Deeq A. Posted December 9, 2019 Wafdiga Gudoomiyaha Aqalka Sare oo gelinkii dambe ee Axadii ka amba baxay Magaalada Muqdisho ayaa xalay gaaray Magaalada Doha, waxaana Garoonka Hamad ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golaha Shuurada ee dalkaasi. Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo wafdigiisa ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Doha ay uga qaybgalaan shirka 7aad ee Ururka Baarlamaanka Adduunka ee ka hortagiisa musuq maasuqa. Shirkan oo laba berri socon doono ayaa waxaa la fillaya in maanta uu ka furmo Magaalada Doha, iyadoona la soo geba-gabeen doono gelinka dambe ee maalinta Talaadada. Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa wafdiga ku wehlinaya safarkiisa Magaalada Doha waxay isugu jiraan xubno ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites