Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo gaaray Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdiga Gudoomiyaha Aqalka Sare oo gelinkii dambe ee Axadii ka amba baxay Magaalada Muqdisho ayaa xalay gaaray Magaalada Doha, waxaana Garoonka Hamad ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golaha Shuurada ee dalkaasi.

Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo wafdigiisa ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Doha ay uga qaybgalaan shirka 7aad ee Ururka Baarlamaanka Adduunka ee ka hortagiisa musuq maasuqa.

Shirkan oo laba berri socon doono ayaa waxaa la fillaya in maanta uu ka furmo Magaalada Doha, iyadoona la soo geba-gabeen doono gelinka dambe ee maalinta Talaadada.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa wafdiga ku wehlinaya safarkiisa Magaalada Doha waxay isugu jiraan xubno ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

78949597_2576133662507166_6066652927781502976_o 78615317_2576133442507188_5567182002584551424_o 78785793_2576133269173872_8814077368831311872_o (1) 78785793_2576133269173872_8814077368831311872_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this