Deeq A. Posted December 9, 2019 Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu markale dagaal dib uga qarxay waqooyi bari ee gobolkaasi. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Towfiiq oo hoostaga degmada Jariiban ee gobolkaasi. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah dagaalka ayaa u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaasi. Ma cadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka, iyadoona weli la maqlayo rasaas teel teel ah oo ay is-weydaarsanayaan labada dhinac. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana waxgaradka deegaanka iyo mas’uuliyiinta gobolka ay wadaan dadaallo lagu qaboojinayo xiisadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites