Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xoogan oo dib uga qarxay gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu markale dagaal dib uga qarxay waqooyi bari ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Towfiiq oo hoostaga degmada Jariiban ee gobolkaasi.

Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah dagaalka ayaa u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka, iyadoona weli la maqlayo rasaas teel teel ah oo ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana waxgaradka deegaanka iyo mas’uuliyiinta gobolka ay wadaan dadaallo lagu qaboojinayo xiisadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this