Deeq A. Posted December 9, 2019 Garoowe (SMN) – Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska dowlad goboleedka Puntland, Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa shaqadiisa dib ugu fasaxay taliyaha qeybta Booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Mu’min Cabdi Shire (Ina-madaxweyne). Wararka ayaa sheegaya in arrintan ay ku timid, kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ay dhex dhexaadiyeen labada taliye, kuwaas oo ku guuleystay xalinta khilaafkaasi. Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa shaqa-joojinta uu ku sameeyey Arbacadii taliye Mu’min cuskaday amar-diiddo uu sheegay in uu sameeyey taliyuhu. View the full article Share this post Link to post Share on other sites