Deeq A. Posted December 9, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro kala duwan oo xalay Al-Shabaab ay ku qaaday qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarada oo ahaa kuwa gaadmo ah ayaa waxaa lagu qaaday fariisimo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Ururka Midowga Africa ee AMISOM ay ku leeyhiin degmooyinka Baraawe, Awdheegle iyo deegaanka Bariire ee gobolkaasi. Ma cadda illa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weeraradaasi, waxaana saraakiisha ciidamada Milatariga ay sheegeen inay sameeyeen iska caabin xoogan. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana ciidamada huwanta ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites