Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weeraro ka fulisay gobolka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro kala duwan oo xalay Al-Shabaab ay ku qaaday qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarada oo ahaa kuwa gaadmo ah ayaa waxaa lagu qaaday fariisimo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Ururka Midowga Africa ee AMISOM ay ku leeyhiin degmooyinka Baraawe, Awdheegle iyo deegaanka Bariire ee gobolkaasi.

Ma cadda illa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weeraradaasi, waxaana saraakiisha ciidamada Milatariga ay sheegeen inay sameeyeen iska caabin xoogan.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana ciidamada huwanta ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this