Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Xooggan Oo Ka Socda Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed, islamarkaana kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa dib uga bilowday deegaanno ku yaalla bariga gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa ah mid aad u xooggan sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halka uu ka socdo, wuxuuna xooggiisa ka socdaa deegaanka Towfiiq ee Mudug, waxaana la maqlayaa rasaas culus.

Lama oga khasaaraha soo kala gaaray dhinacyada ku dagaallamaya halkaasi, balse dagaalkan ayaa daba socda dagaal maalmo kahor dhinacyadan ku dhexmaray halkaasi.

Maanta oo Isniin ah ayaa la filayaye in dagaalkan ay ku baxaan waxgarad iyo siyaasiyiin deegaannada lagu dagaallamay, balse xaaladda ayaa isbedashay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this