Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka DFS Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Sh/hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal u dhaxeeyey ciidanka DFS iyo kuwa Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar kusoo qaadeen saldhigyo ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen degmooyinka Baraawe, Bariire iyo sidoo kale Awdheegle oo Shabellaha Hoose ah.

Waxaa dhacay dagaal xooggan oo saacado socday, iyadoo lasoo sheegayo khasaare ka dhashay dagaalkaasi.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan ka dhashay, balse saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay iney iska difaaceen Al-shabaab, khasaarana ay soo gaarsiiyeen.

Xaaladda degmooyinkii dagaalladu ka dhaceen ayaa ah mid deggan, iyadoo ciidamada xoogga dalka la sheegayo iney dhaq-dhaqaaqyo ciidan wadaan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this