Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegtay in ay MUQDISHO ku dileeen Maxamed Cumar Guutaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil shalay ka dhacay degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho oo loo gaystay nin lagu magacaabo Maxamed Cumar Guutaale.

Maxamed Cumar Guutaale ayaa ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda, waxaana dilkiisa fuliyey koox hubeysan oo goobta ka baxsaday, sida ay sheegtay Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay koooda Al-Shabaab oo lagu baahiyey warbaahintooda ayaa lagu sheegay in Maxamed Cumar Guutaale “uu ahaa kabtan” ka tirsan ciidamada dowladda, islamarkaana dilka ay fuliyeen dagaal-yahanada kooxda.

Dowladda Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin dilka Maxamed Cumar Guutaale.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in Maxamed Cumar Guutaale uu “galaangal weyn” ku dhax lahaa taliska ciidanka xoogga dalka, inkasta oo aysan weli caddeyn heerka uu ka joogay.

Dilkan ayaa imanaya ayada oo amniga Muqdisho uu aad u wanaagsanaa bilihii dhowaa, islamarkaana la yareeyey dilalkii iyo qaraxyadii ay kooxda Al-Shabaab ka fulin jirtay caasimadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this