Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka socda inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Buulo-burde ee G/Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne-(Caasimada Online)-Dagaal u dhaxeeya ciidamada xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa caawa ka socda inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo-burde iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa bilaawday kaddib markii dagaalamayaasha Al-Shabaab  ay weerar jid gal ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya oo isaga kala gooshayey magaalooyinka Maxaas iyo Buulo-burde.

Taliyaha guutada shanaad, qeybta 27aad ee xoogga dalka Korneyl Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin) ayaa la sheegay in uu wato ciidamada loo galay wadada.

Ciidamadaas ayaa la sheegay inay ka bexeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kuna sii jeeday degmada Buulo-burde ee isla gobolkaas, waxayna dagaal xoog leh kala kulmeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo u galay wadada u dhaxeysa labadaas degmo.

Dagaalka ayaa bilaawday makhribnimadii hore ee caawa waxaana la sheegay in goobta lagu dagaalamayo oo ah dhul miyi ah uu wali ka socdo dagaalku, isla markaana laga maqlayo dhawaqa hubka la isku adeesanayo.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi waxaana aad u adag in war laga helo deegaanada  uu dagaalka ka socdo isgaarsiinta oo aad u liidata aawgeed, sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya.

Waxii ka soo kordha kala soco Caasimada.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this