Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliiska Puntland oo shaqada u fasaxay Taliya Qeybta Booliiska Nugaal iyo ku xigeenkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha  Ciidanka Booliiska dowladda Puntland Sarreeye/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa shaqadooda u fasaxay Taliya Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Mu’min Cabdi Shire (Ina-madaxweyne)  iyo Ku xigeenkiisa Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale (Suleembe).

Gen Muxiyadiin ayaa Arbacadii la soo dhaafay oo ku beegneyd 4-tii bishaan December, waxa uu shaqada ka joojiyay Taliya Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Mu’min Cabdi Shire, kadib khilaaf soo kala dhex-galay labada Taliye.

Sarreeye/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa shaqa-joojinta u cuskaday amar-diiddo uu sheegay in uu sameeyay Col. Mu’min Cabdi Shire, balse ilo’ ka agdhow Jananka ayaa xaqiijiyay in labada Taliye uu khilaaf hoose ka dhex jiray.

Sidoo kale, Taliyaha Booliiska ayaa maalin kadib shaqada ka joojiyay Taliye xigeenka Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale (Suleembe) oo uu isagana ku eedeeyay in uu amar-diiddo sameeyay.

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland, ayaa la sheegay in ay markii dambe xalliyeen khilaafkii labada dhinac, islamarkaana Taliyaha Booliiska ku qanciyeen in uu shaqadooda u fasaxo, Taliyaha Qeybta iyo ku xigeenkiisa.

Taliyaha Booliiska Puntland, ayaa sidaan oo kale 8-dii June ee sannadkan, waxa uu shaqada ka joojiyay Taliyihii Qeybta Booliiska gobolka Nugaal ee xilligaasi Gaashaanle Sare Cabdixamiid Maxamed Axmed Samakaab (Ina Maxamed Dirir).

Balse, madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan oo xilligaasi ahaa Ku-simaha madaxweymaha, ayaa shaqada u fasaxay Cabdixamiid Dirir saddex saacadood kadib markii uu shaqada ka joojiyay Gen Muxiyadiin.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Booliiska Puntland oo shaqada u fasaxay Taliya Qeybta Booliiska Nugaal iyo ku xigeenkiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this