Deeq A. Posted December 8, 2019 Muqdisho (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa shaacisay in ay magaaladda Muqdisho ku dishay sarkaal ka tirsan ciidamadda xoogga. Kabtan Maxamed Cumar Guutaale ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay degmadda Dharkeenley ee gobolka Banaadir. Laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la tilmaamay in ay gaareen halka ay wax ka dhaceen iyaga oo qaadey meydka. Marka laga soo tago hadalka Shabaab, ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkaan oo kasoo baxay dhanka hay’addaha nabad-gelyadda. Al-Shabaab ayaa horey dilal noocaan ah waxay magaalaladda Muqdisho ugu geystay saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites