Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab: Sarkaal ayaan ku dilnay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa shaacisay in ay magaaladda Muqdisho ku dishay sarkaal ka tirsan ciidamadda xoogga.

Kabtan Maxamed Cumar Guutaale ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay degmadda Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la tilmaamay in ay gaareen halka ay wax ka dhaceen iyaga oo qaadey meydka.

Marka laga soo tago hadalka Shabaab, ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkaan oo kasoo baxay dhanka hay’addaha nabad-gelyadda.

Al-Shabaab ayaa horey dilal noocaan ah waxay magaalaladda Muqdisho ugu geystay saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this