Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Aabbo, Hooyo Iyo Laba Carruur Ah Oo Ay dhaleen Oo Ku Geeriyooday Dhisme Ku Dumay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa galabta ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha masallaha ee magaalada Hargeysa loogu sameeyey qoys Afar ka koobnaa oo kala ahaa Aabo, Hooyo xaamilo ah iyo laba wiil oo ay dhaleen ka kooban oo uu xalay kusoo dumay gurigii ay jaar la’ahaayeen.

78831517_2560713964042441_58032987702799 78485888_2560713980709106_50787683332521

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Badhasaabka iyo ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex, maayarka caasimadda Hargeysa iyo xildhibaano ayaa Aaska qaran loogu sameeyey qoyska ka kooban Afarta qof kala qayb-galay Boqolaal dadweyne ah oo jinaasada ku sugnaa, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu baroor-diiqayo masiibada qoyskaas ku dhacday iyo dareenka heer qaran ee lagu sagootiyey.

Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Diinta iyo Awqaafta, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Khaliil Cabdilaahi Axmed oo hadallo kooban ka jeediyey Aaska loo sameeyey qoyska xalay geeriyooday, ayaa marxuumiinta geeriyooaday Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa muujiyey culayska masiibada qoyskaas ku habsatay, isaga oo xusay in qaranku murugada iyo naxdinta la wadaagayo ehellada iyo qaraabada ay marxuumiintaas isku qoyska ahi ka baxeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waa geeri culus qoys dhan oo iyaga oo hurda masiibo ku habsatay iyaga oo aanay cidina ka bixin, waase Ilaahay qaddarkii, waana waxyaabaha lagu cibro qaato, Ilaahayna dhammaantood ha u wada naxariisto, qoyskii iyo reerkii ay ka baxeenna Ilaahay waxan uga rajaynayaa cawil khayr qaba. Qaran ahaan aad baannu idiinka tacsiyadaynayaa, naxdintaana waa la idin la qaybsanayaa, waana masiibo qaran.”

Qoyska maanta Aaska qaran loo sameeyey oo afar qof ka koobnaa, ayaa si wadar ah loo xabaalay, waxana ay ifka kaga tageen oo isagu masiibadaa ka badbaaday wiil yar oo ay marxuumiinta geeriyooday dhaleen, kaas oo ku maqnaa guryaha ehellada.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu guud ahaanba bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenka ah, si ay badqabkooda u sugaan, isaga oo wadayaasha gaadiidkana faray inay ka feejignaadaan dhibka roobabka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this