Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Sharci Darro ku Tilmaamtay Guddi Wasaaradda Waxbarashadu Magacowday

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in wasaaraddu dhistay guddiga Waxbaarshada, Dhaqanka iyo Seyniska.

Sidoo kale wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa durbaba ka hor timid guddigaan oo ay magacowday wasaaradda waxbarashada, qoraal kooban oo wasaaradda ka soo baxay ayaa lagu yiri“ Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa u xilsaaran Dhaqanka iyo warfaafinta Soomaaliya , wasaaradda waxbarashadu shaqo kuma lahan” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Halkaan ka Akhriso qoralkii wasaaradda waxbarashada.

78568489_2807841909276583_5201035941816303616_o.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this