Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo u direysa beelaha ku dagaalamaya Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed ka soo saartay colaad u dhaxaysa beelaha ku dagaalamaya qeybo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xukuumadda ayaa lagu sheegay in dhawaan guddi ka qeyb qaata daminta iyo xalgaarista colaadaas loo diri doono deegaanada Towfiiq iyo Af-Barwaaqo oo ka tirsan gobolka Mudug, halkaas oo maleeshiyo beeleed maalin ka hor ku dagaalamay ay is kaga dileen in ka badan 15 iyo dhaawac intaas ka sii badan.

Sidoo kale warkaan ka soo baxay xukuumadda ayaa lagu sheegay in ciidamada isku dhafka ah ee ka howlgala qeybo ka mid ah gobolka Mudug lagu amray in sida ugu dhaqsiyaha badan u gaaraan deegaanada lagu dagaalamayo.

Halkan hoose ka akhriso War-saxaafadeedka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga walaacsantahay dirirta iyo colaadaha maalmihii lasoo dhaafay kasoo cusboonaaday qeybo kamid ah Gobolka Mudug kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Xukuumaddu waxay ugu baaqeysaa dhammaan dhinacyada ku lug leh colaaddan in ay si shuruud la’aan ah u joojiyaan, kana dhawrsadaan waxyaabaha kicin kara colaad hor leh.

Waxaa la amray in sida ugu dhaqsaha badan ciidamada isku dhafka loogu diro deegaannada ay xiisaddu ka taagan tahay, si ay kala dambeynta u soo celiyaan. Sidoo kale waxaa deegaannada Towfiiq iyo Af-Barwaaqo tegi doono guddi ka socda Xukuumadda kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda haatan ka taagan deegannadaas.

Waxaa lagu boorrinayaa qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay hormuud u yihiin odayaasha dhaqanka, culumada, dhallinyarada iyo haweenka in ay kaalin mug leh ka qaataan dadaallada lagu raadinayo nabadda iyo dib u heshiisiinta, garab istaagna loo muujiyo Ciidamada isku dhafka.

Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya waxay la tacaalayaan dhibaatada ka dhalatay musiibooyinka dabiiciga ah ee dalkeena ku dhuftay, sidaas darteed dadkeenu ma xamili karaan dhibaato kale oo qaarkeen ay gacmahooda ku sameeyaan.

Xukuumaddu waxay ugu baaqeysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan beelaha walaalaha ah ee deggan Gobolka Mudug in ay Guddiga la magacaabayo kala shaqeeyaan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dalka oo aasaas u ah guud ahaan horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Dhammaad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this