Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf ka dhex qarxay laba kamid ah Wasaaradaha dowladda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hortimid guddi ay dhistay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta saree e Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta DFS, ayaa lagu sheegay in wasaaradda Waxbarashada dalka aysan wax shuqul ah ku lahayn arrimaha Dhaqanka, sidaasi darteedna guddiga ay magacowday uu yahay mid sharciga baal-marsan.

Qoraalka waxaa lagu sheegay, in Wasaaradda Warfaafinta ay leedahay magacaabista guddiga Warfaafinta iyo Dhaqanka, balse shaqadaasi ay si sharciga baal-marsan u maroorsatay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta saree e Soomaaliya.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa sidoo kale sheegtay in ay dhowaan dhisi doonto guddi Qaran oo ay ku midaysan yihiin hay’adaha dowladda iyo kuwa  Bulshada ee doorka ku leh.

Hoos ka akhriso qoraalka

HAA.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Khilaaf ka dhex qarxay laba kamid ah Wasaaradaha dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this