Deeq A. Posted December 8, 2019 Afar qof oo isku qoys ahaa ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay ku dhinteen Hargeysa, kadib markii uu ku soo dumay dhismo qadiimi ah oo ay ku hoos noolaayeen. Faysal Aadan Cabdi, xaaskiisa oo xaamilo aheyd iyo labo caruur ah oo ay dhaleen ayaa ku dhintay dhismahaasi oo ku soo dumay xaafadda Bir-Jeex Goobta waxaa gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo kooxaha gurmadka degdega ah, iyadoona markii dambe dhismaha hoostiisa laga soo saaray meydadka 4-ta qof. Dhacdadaan ayaa murugo xanuun badan ku reebtay dadka deegaanka, taas oo ay sababeen roobab saacadihii la soo dhaafay ka da’ay halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites