Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshe lagu soo dooran karo madaxweyne iyo xildhibaano Al-Shabaab ah oo laga digay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Cabdulaahi Sheekh Siraaji oo ka mid ah Golaha shacabka ayaa ka digay arrin sahli karta in baarlamanka cusub ee 2020 ay soo galaan xildhibaano Shabaab ah, kuwaas oo kadib dooran kara madaxweyne Shabaab ah.

Xildhibaanka oo ka hadlay kulanka Golaha shacabka ee sharciga doorashooyinka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la qaato nidaam doorasho oo qof iyo cod ah, si looga fogaado in Al-Shabaab ay saameyn ku yeelato doorashada.

Xildhibaan Siraajd, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha shacabka Waxa uu sheegay in haddii ay dhacdo in mar kale ay xildhibaanada soo xulaan ergooyinka beelaha, si la mid ah sanaddii 2016, uusan shaki ku jirin inay soo gali donaan xubno Al-Shabaab ah.

Maxamuud Cabdullahi Sheekh Siraaji ayaa sheeygay inaan lasiin awood ay wax kusoo xulaan ergooyinkii ay u yeereen Al-Shabaab, oo ujeedka laga lahaa uu ku sheegay soo xulista xildhibaanno Al-Shabaab ah, kuwas oo kadib soo doorta madaxweyne Al-Shabaab ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod ah, hase yeeshee waxaa muuqada caqabado badan oo taas diidi kara.

Waxaa ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed oo weli aan tiro koob ah rasmi ah lagu sameyn, cod-bixiyayaasha oo aan weli la diiwaan gelin, Al-Shabaab oo deegaano badan haysata, Maxkamadda dastuuriga ah ee kala saari laheyd Xisbiyada markii la isku qabsado ama muran ka yimaado natiijada doorashada oo aan jirin, iyo maqnaanshaha Somaliland.

Sababta dowladda ugu dhegan tahay doorasho qof iyo cod ah ayaa mucaaradka qaar waxay u arkaan xeelad waqti kororsi ah, maadaama aysan fulin karin doorasho noocaas ah, oo ay ahayd inay ka shaqeyso saddexdii sano ee tagay balse ka seexatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this