Deeq A. Posted December 8, 2019 Wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaalyanno ka tirsan kuwa Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dag-Allamo ee gobolkaasi. Ciidamada Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa inay isabaxeen deegaanka, islamarkiina dib u qabasadeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dagalaayahanno badan ay soo buux dhaafiyeen halkaasi, kuwaas oo bilaabay dhaq dhaqaaqo cusub. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinac asaraakiisha dowlad goboleedka Jubbaland oo ku aadan dhaq dhaqaaqaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona ciidamada daraawiishta maamulkaasi ay ku sugan yihiin duleedka deegaanka Dag-allamo oo ka tirsan degmada Dhoobley. Jubbaland ayaa deegaankan la wareegtay sanadkii 2012-kii, kadib markii ay dagaal qaaday Al-Shabab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites