Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo ku xanuunsaday xabsiga Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiil ciidan oo diiday in  magacyadooda la xigto, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in Dr Muuse Cali Jaamac oo ku xiran xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, uu saddex jeer oo kala duwan ku xanuunsaday gudaha Xabsigaasi.

Sarkaal ka tirsan ilaalada Xabsiga weyn ee Boosaaso, ayaa sheegay in saddexda jeer oo uu xabsiga ku xanuunsaday Siyaasi Muuse Cali Jaamac, aan marnaba wax dhakhtar caafimaad ah la geynin, balse haatan ay fiicantahay xaaladdiisa.

Sidoo kale, qaar kamid ah saaxiibada Dr Muuse Cali,ayaa xaqiijiyay in uu saddex jeer oo kala duwan ku xanuunsaday xabsiga, kadib markii uu la qabsan waayay hawa-xumo halkaasi ka jirta, sida ay sheegeen.

Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, waxa hadda ku xiran siyaasi Dr Muuse Cali Jaamac iyo afar nabaddoon, oo dhammaantood loo haysto dhaliilo ay u jeediyeen heshiisyo xukuumadda Puntland kula jirto shirkado laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta.

13 October ee sannadkan, ayaa sidaan oo kale  Boosaaso loogu xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale dhaliilo u jeediyeen xukuumadda Puntland, balse saddex maalmood kadib 16 October ayaa la sheegay in lagu sii daayay cafis-maxkamadeed.

PUNTLAND POST

The post Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo ku xanuunsaday xabsiga Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this