Sign in to follow this  
Deeq A.

Maleeshiyaad hubeysan oo weerar geystay khasaaro ka fuliyey gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe gaari ay la socdeen dad shacab ah lagu rasaaseeyey qeybo ka mid ah gobolkaasi, kadib markii ay waddada u galeen maleeshiyaad hubeysan.

Weerarka oo dhabo gal ahaa ayaa waxaa lagu qaaday gaari nooca Barabokista oo ka yimid deegaanka Galinsoor, kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaan ku dhintay hal qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo ka mid ah dadkii la socday gaariga la rasaaseeyey.

Ilo deegaanka ayaa sidoo kale ayaa Caasimada Online u sheegay in ragga weerarka fuliyey ay gaarayeen illaa afar, islamarkaana ay goobta isaga dhaqaaqeen falka kadib.

Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa dhankooda sheegay in ay wadaan howlgallo ballaaran oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarka, islamarkaana gacanta lagu soo dhigi doono.

Waa weerarkii labaad oo muddo todobaad gudihiisa ka dhacaya gobolka Mudug oo ay weli ka taagan yihiin colaad beeleedyo u dhexeeyo beelo wada daga gobolkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this