Deeq A. Posted December 8, 2019 Beledweyne (Caasimada Online) – Wabiga Shabelle ee mara magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in markale fatahaad xoogan uu ka sameeyey qeybo ka mid ah magaaladaasi. Wabiga ayaa saacadihii ugu dambeeyey ku fatahay xaafadda Kooshin ee degmada Beledweyne, kadib markii ay biyuhu soo jabsadeen qararka. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay barakac cusub, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta fatahaadaasi, iyagoo gaaray duleedka magaalada. Wararka ayaa sheegaya in fatahaada cusub ay timid, kadib markii ay roobab xoogan ka da’een magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Arrintan ayaa sababtay in markale ay barakacaan qoysaskii dhowaan dib ugu laabtay halkaasi, kuwaas oo hadda ay soo wajahday xaalad dhanka nolosha ah. Dhowaan ayey aheyd markii ay soo baxday digniin la xariirta roobab dabeylo wata iyo daadad laga cabsi qabo inay ku dhuftaan qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya. Share this post Link to post Share on other sites