Deeq A. Posted December 8, 2019 (SLT-Washington)-Madawaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay dowladda Iran kusii daysay muwaadin u dhashay dalka Mareykanka. Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twiterka ku yidhi “Waad ku mahadsan tahay Iran wada xaajoodyadii midhadhalka ahaa, waana awoodnaa in aan heshiis gaadhno”. Dowladaha Mareykanka iyo Iran ayaa is dhaafsaday muwaadiniin ay qaab maxbuusnimo ah iskaga kala hayeen. Talaabadan ayaana lagu tilmaamay mid isku kusoo dhawayn karta labada dal ay heshiis gaadhaan. Source Share this post Link to post Share on other sites