Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Talibaan Oo Xaqiijiyay Wadahallo Nabadeed Oo Dib Uga Bilaamay Dalka Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Doha)-Dowladda Mareykanka iyo ururka Taalibaan ayaa wadahadal dib uga bilaabay magaalada dooxa ee dalka Qatar Sabtidii shalay.

157573855290bb1.jpg

Shirka labada dhinac ayaa waxaa goob-joog ka ahaa saraakiisha sare ee arrimaha siyaasadda u qaabilsan Talibaan iyo Matalayaasha Mareykanka.

Saddex bilood ka hor ayaa madaxweyne Donald Trump uu meesha ka saaray wadahalka oo socday tan iyo sannadkii hore ee 2018-ka, kadib markii ururka taalibaan uu sheegtay mas’uuliyada weerar lagu dilay askari Mareykan ah oo ka dhacay magaalada Kabul.

Matalayaasha Mareykanka ee kulanka ka dhacay magaalada Dooxa ayaa waxaa hormuud u ahaa Zalmay Khalilzad sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay waaxda arrimaha Dibadda.

Dhanka kale ururka Taalibaan ayaa xaqiijiyay kulanka u dhaxeeya saraakiishooda dhanka siyaasadda dibadda iyo matalayaasha Mareykanka.

Wadahadalkaan cusub ee dib u bilaamay ayaa la filayaa in lagu soo afmeero dagaalka 17-sanno ee la soo dhaafay ka socday wadanka Afghanistan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this