Deeq A. Posted December 8, 2019 Xildhibaanada golaha shacabka ee BFS ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh xaruntooda magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa la filayaa inay hortagaan wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed C/laahi Salaad. Xildhibaanada ayaa warbixino guud ka dhageysan doono wasiiradaasi, sidoo kalena su’aalo ka wey diin doono howlaha shaqo ee labadaasi wasaaradood. Dhinaca kale guddoomiyahay guddiga maaliyadda ee golaha shacabka, Xildhibaan Maxamuud Cabaas Sheekh Siraaji oo ka hor hadlayey golahaasi ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin in baarlamaanka soo socda ay ku dhex milmaan xubno ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo weli dagaal kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. Xildhibaanka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga baaran dago dhinac kasta qorshaha doorashada soo socota ee 2020-ka illaa 2021-ka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/CC.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites