Deeq A. Posted December 8, 2019 Ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa saaka howlgallo ballaaran ka wada deegaano dhowr ah oo dhaca xadka Soomaaliya. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa sameynaya ciidamada Argagixiso la dirirka Kenya oo soo buux dhaafiyey halkaasi. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu tiro dad ah ay ku soo qab qabteen baaritanadaasi. Jimcihii la soo dhaafay ayey aheyd markii weerar lagu dilay saraakiil ka tirsanaa ciidamada Booliska Kenya uu ka dhacay gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites