Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar khasaaro geystay oo xalay maleeshiyaad hubeysan ay ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu qaaday gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey inta u dhexeysa Galinsoor iyo Gaalkacyo ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan oo waddada u galay gaarigaasi oo ku sii jeeday dhanka M/ Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarka, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo kale oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haatan lagu raad joogo kooxii ka dambeeyey falkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayey colaadaha ka jira gobolka Mudug ee u dhexeeya beelo wada daga deegaano ka tirsan gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this