Sign in to follow this  
Deeq A.

R/Wasaare ku-xigeenka oo soo jeediyey in muddo xileedka DF la gaarsiiyo 7 sano

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa soo jeediyey arrin shaki weyn dhalisay kadib khudbad uu maanta ka jeediyey furitaanka Shirka Madasha Dhaqaalaha Qaranka oo ka dhacay Muqdisho.

Guuled ayaa khdubadiisa maanta ku sheegay inuu soo jeedinayo in muddo xileedka Dowladda Soomaaliya la gaarsiiyo illaa 7 sano.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay deganaansho siyaasadeed si loo gaaro deganaan dhaqaale, isaga oo sheegay in dowladda hadda jirta ay madaxdeedu garteen inay wada shaqeeyaan.

“Anagoo eegeyna dalal waa hore tegay sida Mareykanka ayaanu muddo xileedka dowladda ka dhignay 4 sano, waa inaan ka fekernaa muddo xileedka nagu haboon 5 sano, 6 ama 7 sano” ayuu yiri Guuled.

Wuxuu sidoo kale sii raaciyey inuusan hadalkaan hadda u dhaheyn inuu Farmaajo yahay madaxweynaha Soomaaliya balse uu doonayo in mustaqbalka la helo xasilooni siyaasadeed.

“Uma hadlayo dowladda Madaxweyne Farmaajo ee hadda xilka heysa, laakiin si mustaqbalka loo helo xasilooni dhaqaale waa in la helaa xasilooni siyaasadeed..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku xigeenka.

Wuxuu sheegay in afarta sano ee dowladu heysato uu sanadka hore noqdo isla qabsi, sanadka u dambeeyana uu yahay olole doorasho, oo dowladdu heysato oo kaliya 2 sano oo weliba uu mooshin daba socdo.

Hadalka kasoo baxay Ra’isuls wasaare ku xigeenka dalka ayaa kusoo aadayo xilli xisbiyada mucaaradka ay walaac ka qabaan inay dowladda Soomaaliya sameysato muddo kororsi.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa dhawaan sheegay in iyaga iyo madaxweyne Farmaajo ay isla garteen inaan la sameyn waqti kororsi inkastoo maalmihii dambe uu mar kale soo laabtay walaaca ku aadan in dowladda Farmaajo hoggaamiyaha u yahay ay damacsan tahay waqti ku darsasho.

Dib u eegista ku socota Dastuurka KMG ee la doonayo in la qabyo tire ayaa la qorsheynayaa in muddo xileedka dowladda laga dhigo muddo 5-sano ah, halka markii hore ay ka aheyd 4-sano, inkastoo ay adag tahay sida ugu dambeyn la isugu raaco.

Hoos ka daawo Mahdi oo ka hadlaya arrintaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this