Sign in to follow this  
Deeq A.

FBI-da oo lacag dul dhigtay xubin ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa daaha ka rogtay in cid walba oo gacan ka geysata helista macluumaad laxariira  ama soo sheegta goobta uu ku sugan yahay nin u dhashay Mareykanka oo Al-Shabab u qaabilsan sida ay sheegen howlaha sameynta bambanooyiinka iyo walxaha qarxa ay siin doonaan abaalmrin lacageed oo gaareysa 5 milyan oo doolar.

Ninkan ayaa la sheegay in muddo fog xubin uu ka ahaa Xarakadda Al-Shabaab kuwaas oo ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

Abaalmarintan ayaa markii hore la soo saaray ka dib markii dacwad ooge ku sugan gobolka California uu dib u furay gal-dacwadeed ka dhan ah Jehad Serwan Mostafa, oo ah 37 u dhashay Mareykanka. Iyadoo warbaahinta maraykankana ay ciwaano ka dhigeen waa ninka loogu doonista badan yahay ee ka tirsan urur argagixiso.

“Waxaan rumaysan nahay in uu yahay muwaadinka ugu daraja sareeya ee ka barbar dagaalamaya urur argagixiso ah oo dibadda ka jira,” ayuu yiri Robert Brewer, oo ah dacwad oogaha sare ee koonfurta California.

FBI ma aysan faahfaahinin eedeymaha cusub, laakiin wakiilka FBI-da Erin Westfall ayaa warbixin ay si qoto dheer ugu sharraxday doorka Mostafa la leeyahay Al-Shabaab ah, oo dooneysay bay tiri in ay xukunka ka tuurto dowladda Soomaaliya.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Mostafa waxay xilal ka haysay waaxda walxaha qarxa ee Al-Shabaab, garabka warbaahinta, iyo xeryaha tababarka,” Westfall ayaa sidaas yidhi. “Waxaan aaminsanahay inuu sii wadidoono kaalin firfircoon ficillada argagixiso ee al-Shabaab ay geyso illaa laga joojinayo.”

“koxda Al-Shabaab waxay halis ku yihiin amniga qaranka, dalalka aan bah-wadaaga nahay iyo rayidka aan waxba galabsan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Brewer.

“Maanta waxaan caawin ka codsanaynaa dadwaynaha, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Mostafa.”ayuu yiri.

Scott Brunner oo ah sargaal ka tirsan Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da, ayaa gaar ahaan ka codsaday dadka bariga afrika inay gacan ka geystaan sidii loo ogaan lahaa goobta uu ku sugan yahay Mostafa, oo ay sheegen inay la rumaysan yihiin in uu joogo koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this