Sign in to follow this  
Deeq A.

Khadar oo daah-furay madasha dhaqaalaha Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa daah furay madasha sedaxaad ee siyaasadda dhaqaalaha qaranka oo maanta iyo berri ka soconeysa magaalada Muqdisho.

Madasha ayaa waxaa soo agaasimay golaha dhaqaalaha qaranka oo dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka iyada oo lagu salaynayo cilmi baaris dheer iyo cadaymo, sidoo kalana dawladda siiya talo iyo hagid ku aadan diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh, kana caawinaya isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka

Tan iyo markii la aasaasay golaha dhaqaalaha qaranka, waxa ay qabteen laba madal oo hore oo looga hadlay horumarinta dhaaqaalaha dalka, waxaana qorshuhu yahay in madashaan sedaxaad si qota dheer looga doodo horumarinta dhaqaalaha bulshada, Federaaleynta dhaqaalaha ee la dagaallanka Musuqa

Golaha dhaqaalaha qaranka oo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu Wareegto ku magacaabay July 12, 2018 ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu daah-furay August 11, 2018, waxaana xilligaa kadib ay si rasmi ah u guda galeen howlaha uga aadan horumarinta dhaqaalaha dalka

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this