Deeq A. Posted December 7, 2019 Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo ay ka wada hadleen arrimaha ciidamada. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay dar dargelisay howsha dib u habeynta ciidamada “Maanta waxaan xarunta Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale oo la socotay, waxaan ka wada hadalnay howsha dib-u-habeynta Ciidamada iyo faa’iida ay leedahay diwaangalinta casriga ah ee (biometric), Muhiimadeena 1aad waa Ciidamadeena, waana geesiyaal aan ku faano”. Ayuu yiri Wasiir Beyle. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites