Deeq A. Posted December 7, 2019 Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Kulanka oo ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa ayaa waxa ay goluhu markale uga doodi doonaan sharciga doorashooyinka Qaranka oo Arbacadii ay soo bilaabatay doodiisa. Ina ka badan 50 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa isu diiwaan geliyey ka qeybgalka doodaan, kuwaas oo aragtidooda ku biirin doono sharcigaas. Maalmihii la soo dhaafay xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka ayaa dardargelinayey shaqooyinka horyaalla, iyagoo meel mariyey sharciyo muhiim ah dadka iyo dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites