Deeq A. Posted December 7, 2019 Golaha Ammaanka ee QM ayaa cod wada ogol ah waxay ku meelmariyeen qaraar tirsigiisu yahay 2,500 kaasoo ay gudbisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Qaraarkaas ayaa wuxuu dalbanayaa in muddo hal sano ah lagu kordhiyo howlgalka la dagaalanka burcadbadeeda. Soo jeedinta ayaa ku baaqeysa in saaxiibada dunida iyo dowladda ay ka wada shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa sharciga caalamiga ah ee bani’aadanimadda iyo xuquuqda aadanaha. Soomaaliya ayaa muddo kordhinta halka sano ah ku dalbatay warqad ay 22-kii November u dirtay Golaha Ammaanka. Warbixin kasoo baxday xafiiska xoghayaha guud ee UN-ka oo looga hadlay xaaladda shufta badeeda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wali khatartu jirto, waxaana lagu soo qaadey laba dhacdo. Dhacdooyinkaas oo laga soo wariyey nawaaxiga xeebaha Soomaaliya ayaa lagu guuleystay in dableyda laga soo furto maraakiibta ay qafaasheen. Saraakiisha Howlgalka Soomaaliya ee QM ayaa ku adkeystay in dalalka caalamka looga baahan yahay in ay door muuqda ku yeeshaan dagaalka ka dhanka ah kalluumeysiga sharci daradda ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites