Deeq A. Posted December 7, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya. Weerarka oo ahaa mid qorsheyan ayaa waxaa lagu qaaday gaari Bas ah oo ku socdaalayey nawaaxiga magaalada Wajeer, gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. War ka soo baxay Al-Shababa ayaa lagu sheegay in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 10 qof oo Keyaan ah islamarkaana ahaa dad Kiristaan ah. Sidoo kale Idaacadda Andaluus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahannada weerarka geystay ay sii daayeen Muslimiintii la socday gaariga. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro khasaaro geysta ka fulisa dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites