Sign in to follow this  
Deeq A.

Roob dabaylo wata oo ku dhuftay deegaanno ka tirsan Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Sawir-hore.jpg?w=1000&ssl=1Sawir hore

Roob dabaylo xooggan wata, ayaa xalay ku dhuftay deegaanno ka tirsan gobollada Nugaal iyo Mudug oo ku teedsan xeebta Badweynta Indian Ocean.

Dabaysha ayaa garaacday xeebaha deegaanno ay kamid yihiin degmada Qadiimiga ah ee Eyl, Dhanaane, Dhinawda iyo Garacad, halkaasi oo la soo sheegayo in roobku khasaare kala duwan ka gaystay, inkastoo dhammaan degaannadaasi ay Isgaarsiintu ka go’antahay.

Dadka degmada Eyl ee gobolka Nugaal, ayaa ka hor inta aan Isgaarsiintu ka go’in xalay, waxay soo sheegeen in uu ku bilowday roob dabayl xooggan wata, kaasi oo dumiyay qaar kamid guryaha ka samaysan jiingadda, halka qaar kalena uu saqafyada kala cararay.

Bulshada ku dhaqan deegaannada Dhanaane, Dhinawda, Kulub iyo Garacad ayaa iyana sidaasi oo kale soo sheegay, ka hor inta aysan halkaasi ka go’in Isgaarsiinta.

Sidoo kale, dhulka miyiga ah ee hoostaga deegaannada dabayshu garaacday, ayaa la soo sheegayaa in waxyeello soo gaartay qoysaska reer miyiga ah oo xoolaha qaarkood dabayshu ka laysay.

PUNTLAND POST

The post Roob dabaylo wata oo ku dhuftay deegaanno ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this