Sign in to follow this  
Deeq A.

Maleeshiyaad hubeysan oo weerar ku qaaday xabsiga GAALKACYO

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaad beeleed hubeysan ay weerar ku qaadeen xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in sidoo kale ay ka qeyb qaateen ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta ee dowlad goboleedka Puntland.

Sida aan xogta ku helnay ragga weerarka fuliyey ayaa doonayeyy inay xoog ku soo furataan  nin lagu magacaabo, Cabdala Axmed Guuleed, kaas oo shalay lagu xiray magaaladaasi.

Ninkaan ayaa waxaa dacwad ka soo gudbiyey wasiir ka tirsan maamulkaasi, kadib markii lagu eedeeyey inuu ku aflagaadeeyey Faceebook-ga.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda weerarka geysatay ay muddu kooban la wareegtay xabsiga, iyagoo xiray dhaq dhaqaaqa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo ku sugan degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi, balse saraakiil ka tirsan ciidanka maamulka Puntland oo ka hadlay xariga ninkaasi ayaa sheegay in aysan sii deyn doonin, illaa laga soo taagayo maxkamad.

Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona xiisad ka dhalatay weerarkaasi laga dareemayo waqooyiga magaaladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this