Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Sheekh Cabdi Xayi oo si ka duwan culimada kale uga hadlay arrinta CC Shakuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdi Xayi oo ka hadlay arrinta muranka dhalisay ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa u cabiray si ka duwan sida inta badan culimada arrintan ka hadashay.

Inta badan culimadii arrintan ka hadashay ayaa aad u dhaliilay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo qaarkood ku sheegay “inuu ku dhacay gaalnimo”.

Hase yeeshee, Sheekh Cabdi Xayi ayaa ka digay in arrintan laga sii daro, wuxuuna soo jeediyey in loo wajaho si deganaan ah oo isku nasteexeyn ku dhisan.

“Diinteenu waa diin nasteexo ah, haddii dadku khaldamaan waxaa loo baahan yahay in si walaaltinimo oo tartiib ah wax la isugu sheego, waa marka la rabo in wax la beddelo, balse haddii aan la rabin waa arrin gaar ah.” Ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi.

Sheekh Cabdi Xayi ayaa sheegay in marka hore loo baahnaa in khaladka dhacay la iska wareysto, oo cidda ay khuseysa la weydiiyo, kadibna si tartiib ah arrintii loo xaliyo.

“Annaga Soomaali ayaa nahay in si tartiib ah aan arrinta isku weydiino iyo inaan si kulul wax isku weydiino waxaa noo fudud inaan si kulul wax isku weydiino.” Ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in dhibka Soomaaliya haysta, ee mar walba iska horkeena, islamarkaana muddada fog aan dhibaatada ugu jirno, ay tahay inaan mar walba si dagaal ah aan xalka ku raadino.

Sheekh Cabdi Xayi ayaa sheegay in arrinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay hadda iyo wixii ka dambeeya tahay arrin aan mudneyn in laga sii hadlo sababtoo ah buu yiri “Qofkii gefka galay wuu hadlay, wuu cudur daartay, kana laabtay gefkii uu galay, maxaa kale oo loo baahan yahay in laga sii wada hadlo.”

Hoos ka daawo Sheekh Cabdi Xayi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this