Deeq A. Posted December 6, 2019 Jowhar (SMN) – Ciidamada Booliska HirShabelle ayaa howlgalo dad lagu soo qabtay ka sameeyay magaaladda Jowhar. Wararka ayaa sheegaya in xubnaha lasoo xiray afar kamid ah lagu reebay saldhiga booliska si baaritaano loogu sameeyo. Taliska Booliska oo idaacadda Shabelle ay xiriiro la sameysay ayaa ka gaabsaday in uu fahfaahino ka bixiyey howlgalka. Muddooyinkii dambe, laamaha ammaanka ayaa kordhiyey howlgaladda ay ka fulinayaan Jowhar si loo sugo nabad-gelyaa. Jowhar ayaa ah magaala madaxda maamul goboleedka HirShabelle oo uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. View the full article Share this post Link to post Share on other sites