Deeq A. Posted December 6, 2019 Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Tuulada Af-brwaaqo ee Gobolka Mudug, Cabdullahi Jaamac Dhoorre, Culimaa’udiinka, wax garadka iyo sama doonnada degaanka ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo coladda Beeleedka halkaasi kasoo cusbaanaatay . Maamulka iyo Cuqaasha Af-barwaaqo ayaa si gaar ah baaq ugu diray Dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiinta Galmudug iyo Puntland,wax garadka iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in kala dhex galaan dirita ka socota Af-barwaaqo, si aysan ugu baahin degaannada kale ee Gobolka Mudug. Shalay ayay ahayd markii Laba Malleeshiyo Beeleed oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ay ku dagaallameen degaanno hoos taga Tuulada Af-barwaao, halkaas oo uu ka dhashay qasaaro Naf iyo maal isigu jira. View the full article Share this post Link to post Share on other sites