Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo warbixin ka soo saartay waxyeellada Roobabkii ka da’ay Bariga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 280 Qof ayaa ku geeriyootay, halka in ka badan 2.8 Milyan oo kalena ay wax yeello kasoo gaartay  Roobabkii dhowaan ka da’ay qeybo k mid ah Waddamada Bariga Afrika, sida ay shaacisay Qaramada Midoobay.

Xafiiska isku xirka arrimaha Bini’aadam-nimada Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa sheegay in Roobabkii sababay fatahaadaha iyo daadadka Bariga Afrika ay waxyeello gaarsiiyeen Guryo iyo kaabayaal dhaqaale, iyadoo ay jirto halis ah in ay goobahaasi ka dillaacaan cudurro uu ka mid yahay Daacuunka.

Bishii Oktoobar ee Sanadkan ayay ahayd markii ay Roobab sababay fatahaado iyo Daadad lixaad leh ay ku dhufteen meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, iyadoo ay sidoo kale dhowaan ay wax yeello kala duwan ka geysteen Waddamada Yugaandha, Tansaaniya iyo Kenya.

Digniin dhowaan lasoo saaray ayaa sheegeysa in laga baqdin qabo Roobab kale oo ka da’a  Waddamo ay Soomaaliya ka mid tahay, gaar ahaan Dhulka Xeebaha ah,iyadoo Dowladduna ay si weyn uga gashaamatay, Dad weynaha u sameysay wacyi gelin ballaaran.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo warbixin ka soo saartay waxyeellada Roobabkii ka da’ay Bariga Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this