Deeq A. Posted December 6, 2019 Guriceel (Caasimada Online) – Shacab taagersan hoggaanka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca ayaa maanta magaalada Guriceel ka dhigay banaanbax ay ku macneeyeen inuu yahay mid nabadeed. Banaanbaxa oo billowday salaaddii jimcaha kadib, ayaa waxaa ay ku taageerayeen mowqifka hoggaanka Ahlu-Sunna ay ka qaateen dhismaha Galmudug, Dadka dibad-baxa dhigayey ayaa watay sawirrada hoggaanka Ahlu-Sunna, oo dowladda Soomaaliya ay isku hayaan dhismaha Galmudug. Qaar ka mid ah dadka ka qeyb galay banaan-baxa oo culimo u badnaa ayaa waxa ay dowladda Soomaaliya ugu baaqeen in la dhowro wadajirka bulshada reer Galmudug, isla markaana dowladda ay fuliso heshiiskii ay la gashay Ahlu-Sunna. Dhismaha maamulka Galmudug ayaa dhowr maalmood ka hor dib loo dhigay muddo toddobaad ah, ayada oo la isku dayayo in la xaliyo khilaafka dowladda iyo Ahlu-Sunna. Qodobka ugu adag ee hadda la isku hayo ayaa ah 35 ka mid ah xildhibaanada baarlamanka cusub ee Galmudug oo Ahlu-Sunna ay dooneyso inay soo xusho, taasi oo qeyb ka ah heshiiskii ay la gashay dowladda, balse dowladda ay ka baxday. Share this post Link to post Share on other sites