Sign in to follow this  
Deeq A.

Dharkeenley oo noqotay horyaalka G/Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Garoonka kubada cagta Stadium Eng Yariisoow ex Stadium Koonis ayaa lagu soo gaba gabeeyay tartanka xiisaha badan ee kubada cagta degmooyinka gobolka Banaadir kaas oo ay kama danbestiisa isugu yimaadeen kooxihii kala matalaye degmooyinka Waaberi iyo Dharkeenley.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) wasiirka Wasaarada ciyaaraha iyo dhallinyarada ee XFS, Taliye ku-xigeenka ciidanka boliiska Soomaaliyeed iyo kumanaan dad weynaha ah ayaa ka qeyb galay finalla tartanka degmooyinka Muqdisho.

Ciyaartoyda labada dhinac ayaa garoonka Eng Yariisoow kusoo bandhigay ciyaar aad u xiisa badneyd iyagoo sameeyay fursado wax ku’ool ah oo goolal noqon karay hasa’ahaate waqtigii ciyaarta loogu talagalay ayaa kusoo idlaatay 0-0 inkastoo rigoorayaal ay guusha ku raacday kooxda ku ciyaareysay degmada Dharkeenley sidaasna lagu gudoonsiiyay koobka tartanka kubada cagta degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in Caasimadu ay ku talaabsatay horumar xasilooni u baahan in lasii xoojiyo.

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha ee XFS Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay horumarka Sports ee dalka kajira.

Image may contain: 9 peopleImage may contain: 12 people, people smiling, people standing and outdoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this