Deeq A. Posted December 6, 2019 Beledwayne (SMN) – Maamulka gobolka Hiiraan ayaa shaaciyey in uu ka cabsi qabo fatahaad uu mar kale sameeyo Webiga Shabelle. Sheekh Xuseen Cismaan Cali, gudoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshadda gobolka, ayaa shaaciyey in loo magacaabay Guddi dabagal. Mr Cali ayaa hoosta ka xariiqay in dadweynaha looga baahan yahay in ay sameeyaan feejignaan dheeraad ah lana socdaal xaaladda. Mas’uuliyiinta gobolka ayuu caddeeyay in ay ka shaqeynayaan sidii looga hortagi lahaa dhibaato mar kale ka dhalata fatahaadda Webiga. Dhowaan ayay ahayd markii Webiga Shabelle uu ku fatahaday magaaladda Beledwayne, taas oo dhalisay geerida mas’uuliyiin iyo shacab badan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites