Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka G/Bari oo digniin adag soo saarey

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (SMN) – Maamulka gobolka Bari ee Puntland ayaa wuxuu sheegay in uu gacan bir ah ku qaban doono shaqsiyaad uu eedeeyay.

Cabdisamad Abwaan, gudoomiyaha gobolka, ayaa tilmaamay in shaqsiyaadkaas oo uusan magacaabin abaabulayaan amni darro.

Mr Abwaan ayaa cod dheer ku sheegay in ay ciddii ka waan-toobi wayda arrimaha ay ku howlan tahay ay cawaaqib xumo la kulmeyso.

Hadalka gudoomiyaha ayaa kusoo aadaya xili ay xiran yihiin nabadoono dhaliilo culus u jeediyey xukuumadda madaxweyne Deni.

Odayaasha ayaa ku doodaya in ay socdaan mashaariicyo aanan loo sineyn, waxayna soo jeediyeen in maamulka Puntland in uu xaliyo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this