Sign in to follow this  
Deeq A.

Iran oo sameysaneysa gantaallo ay ka qayliyeen reer galbeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Iran oo sameysaneysa gantaallo ay ka qayliyeen reer galbeedka

Gantaalka Shahab-3 waxay Tehran soo bandhigtay 26-ka September 2019

Gantaalka Shahab-3 waxay Tehran soo bandhigtay 26-kii September 2019

Seddex ka mid ah quwadaha reer galbedka ayaa Qaramada Midoobay uga digay iney Iran sameysaneyso gantaal ay riddadiisu dheer tahay oo awood u leh inuu qaado Niyukilarka, taasina ay tahay mid ka horimaneyso qaraarki golaha ammaanka ee qaraada midoobay.

Warqad ay si wadajir ah u soo qoreen dalalka Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa lagu sheegay iney Iran tijaabisay gantaalka riddada dheer ee baalastika Shahab-3, oo awod u leh inuu qaado hubka Niyuukilarka.

Tallaabbooyinka noocaasi oo ay qaadday Iran waxay sheegeen iney lid ku yihiin qaraarki lagu meel mariyey heshiiski Niyuukilarka Iran ee 2015-kii.

Hase yeeshee Iran eeddaasi loo soo jeediyey waa ay diidday.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohamed Javad Zarif wuxuu sheegay warqadda ay waddama ka mid ah quwadaha reer galbeedka ay soo qoreen ‘iney ku qoreen been abuur’ si ay u daboolaan awooddooda aadka u liidata ee gudashada waajibaadka ka saarnaa heshiska Niyuukilarka ee ay galeen.

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @JZarif

ynB-VNL-_normal.jpg

Javad Zarif

✔@JZarif

Latest E3 letter to UNSG on missiles is a desperate falsehood to cover up their miserable incompetence in fulfilling bare minimum of their own #JCPOA obligations

If E3 want a modicum of global credibility, they can begin by exerting sovereignty rather than bowing to US bullying.

View image on Twitter
443 people are talking about this

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @JZarif

Presentational white space

Qaraarka golaha ammaanka uu tirsigiisu yahay 2231 “wuxuu ku baaqayaa” Iran iney sameyn wax dhaqdhaqaaq ah oo la xiriira gantaallada balastika ee awoodda u leh iney Niyuukilarka xambaaraan, iyo iney tijaabiso teknooloojiyadaha la xidhiidha gantaalka baalastika.

Iran oo iska indha tireyso cadaadiska uga imanaya reer galbeedka waxay ku adkeysatay baranaamijkeeda Niyuukilarka inuu yahay mid nabadeed, waxayna diidday barnaamijyadeeda gantaallada baalastika ay ka hor imanayaan qaraarka golaha ammaanka.

Warqadda ay waddamada reer galbeedku qoreen waxaa lagu sheegay muuqaalka muujinaya tijaabada gantaalka Shihab-3 uu caddeyn u yahay xadgudubka dhinaca horumarinta taknooloojiyadda gantaallada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @irMilitaryTube

r2i_HCaA_normal.png
رسانه نیروهای مسلح ایران@irMilitaryTube
See رسانه نیروهای مسلح ایران’s other Tweets

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @irMilitaryTube

Presentational white space

Wakaaladda wararka ee AP waxaa kale oo ay sheegtay in warqadda ay qoreen Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ay ku sheegeen seddex tusaale oo ku xad gudbaya qaraarka uu tirsigiisu yahay 2231:

  • Tijaabada Shihab-3 ee 24 July
  • Tijaabada gantaalka riddada dhexe ee Borken-3, oo ay ku hubeysan yihiin Xuutiyiinta loona maleynayo iney Iran ku hubeyso inkasta oo ay Tehran eeddaasi diidday
  • Tijaabada dayax-gacmeedka Safir ee ay Iran hawada sare u dirtay 29 bisha August.

Wasiirka arrimaha dibadda Isra’el, Israel Katz wuxuu soo dhaweeyey warqadda ka soo baxday qaar ka mid ah quwadaha reer galbeedka, wuxuu diblomaasiyiinta Isra’il uu ku amray iney u soo gudbiyaan “liiska xadgudubyada Iran ay u geysatay heshiiska Niyuukilarka” golaha ammaanka qaramada midoobay ee la filayo inuu 19-ka December kaga hadlo arrimaha Iran.

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @Israel_katz

X-JztsWC_normal.jpg

ישראל כ”ץ Israel Katz

✔@Israel_katz

France, Germany & the UK to the UN Sec-General: Iran is developing nuclear-capable missiles in breach of the nuclear agreement. The next step must be an effective military threat of a Western-Arab coalition led by the US to deter Iranian aggression. These are critical moments.

44 people are talking about this

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @Israel_katz

Iran waxay bilihi ugu dambeeyey qaadday tallaabooyin xadgudub ku ah heshiiska Niyuukilarka iyada oo jawaab uga dhigeyso go’aanki madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu qaatay sanadki hore oo uu kaga baxay heshiiska Niyuukilarka isla-markaana uu cunaqabateyno hor leh ku saaray Iran.

Mr Trump wuxuu doonayaa in Iran lagu qasbo iney wadahadal cusub ay ka billaawdo barnaamijkeeda Niyuukilarka iyo horumarinta gantaallada baalastika ee ay sameysato. Iran waxay diidday iney wax wada hadal ay gasho ilaa uu Mareykanka cunaqabateynada uu saaray uu ka qadayo.

Ila wareedyo kalana waxay sheegayaan iney qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Mareykanka ay sheegeen markaabiita diyaradaha dagaalka qaada in laga howl geliyey gacanka cummaan si ay uga hortagaan gantaallada Iran ee soo gala Yemen.

Hase yeeshee, wasiirka gaashaan dhigga Mareykanka ayaa diiday warbixinta lagu daabacay wargeyska Wall Street ee sheegay in maraakiib dagaal oo kale, qalab ciidan iyo ciidamo ka badan 14,000 loo diray bariga dhexe si ay Iran u weeraraan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this