Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda DENMARK oo si weyn uga soo horjeesatay talaabooyinkii Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Denmark ayaa si weyn uga deyrisay dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii Somaliland iyo talaabooyinkii u dambeeyay ee ay ku kacday xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Denmark ayaa walaac weyn ka qabta cabudhinta ay inta badan xukuumada Muuse Biixi kula kacdo siyaasiyiinta mucaaridka ah ee dhaliila, midaasi oo baalmarsan xoriyada fikirka iyo hadalka, sida ay sheegtay Mette Knudsen.

Danjire Mette Knudsen, oo ah safiirka Denmark u qaabilsan wadamo badan oo bariga Afrika, oo ayna kamid yihiin Soomaaliya, Seychelles, Kenya iyo Eritrea ayaa iyadu barteeda Twitter-ka ku muujisay sida ay dowladeedu ula dhacsaneyn talaabooyinka Biixi.

Mette Knudsen ayaa sheegtay in Denmark ay niyad jab weyn ka qaaday dib u dhaca xidhiidhka ah ee u ku imanaya doorashooyinka Somaliland, ee Golaha wakiilada iyo kuwa deegaankaba.

Danjire Knudsen ayaa sidoo kale waxay sheegtay in dowladeedu ay si weyn uga soo horjeedo xariga iyo caburinta lagula kaco siyaasiyiinta ka aragtida duwan xukuumada Biixi ee inta badan dhaliila hanaankeeda hogaamineed.

Denmark ayaa iyaduna ku soo biireysa wadamada Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo horumarinteeda, qeybna ka ah wadamada ku jirra Sanduuq DF ee sida weyn uga hor-yimid dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Somaliland.

Dowladda Denmark ayaa la filayaa in ay qaadi doonto talaabo ka dhan Somaliland, midaasi oo saameyn ku yeelan doonta taageeradii ay siin jirtay, maadama ay sheegtay in dowladoodu aysan la dhacsaneyn hogaaminta Biixi iyo dib u dhaca doorashooyinka.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi, oo ku aadan baaqyadii kala gedisnaa ee uga imanaayey beesha caalamka iyo dalalka sida gaar ah u taageera maamulkooda ee ka deyrinayey dib u dhaca doorashooyinka iyo xoriyatul qolka Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this