Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo Xasan Daahir Aweys ‘u adeegsaneysa’ siyaasiyiinta mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa u adeegsaneysa Sheekh Xasan Daahir Aweys inay ku weerarto xubnaha ayada kasoo horjeeda, waxaa sidaas ku eedeeyey aqoonyahanno iyo mucaaradka.

Dhamaadka sanadkii hore iyo bilaawgii sanadkaan ayey dowladda federaalka Soomaaliya Internate-ka ka joojisay Sheekh Xasan Daahir Aweys kadib markii uu markaas ka hadlayay xarigga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, basle waxay hadda muuqata in dib loogu fasaxay bilooyinkii u dambeeyey.

Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu kadib soo duubay dhowr muuqaal oo uu ku weeraray shakhsiyaad ay ka mid yihiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo  Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u dambeeyey.

“Maxaa moobeelada loogu ogolaaday markii uu caynayay Sheekh Shariif iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame sababtoo ah hore ayaa loogu diiday inuu Facebook soo galo” ayuu yiri Cabdullaahi Xuseen Aadan oo ka mid ah aqoonyahanada Muqdisho oo la hadlay Caasimada Online.

“Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa u muuqdo mid loo adeegsanayo siyaasiinta mucaaradka ah ee ka aragtida duwan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Cabdullaahi.

Cabdullaahi ayaa sheegay in xaqiiqda ah in taageerayaasha dowladda ay si aad ah baraha bulshada u wareejinayaan muuqaallada Xasan Daahir ay caddeyn u tahay in dowladda ay ka dambeyso arrintan.

“Markii loo diidayay Isticmaalka Facebook ee Live-ka Sheekh Xasna Daahir Aweys waxa uu ku dhaganaa dowladda Soomaaliya, halka maanta uu u muuqdo mid ka soo horjeeda Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.” Ayuu yiri.

Dhinaca kale, xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo saarey shalay ku ku eedeeyey in dowladda Federaalka Soomaaliya ay “fursad u siisaye rag ka tirsan Al-Shabaab inay baneystaan dilka” siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xisbigan hoggaamiya.

“Xasan Daahir Aweys waa maxbuus u xiran argagaxisanimo, waxaana ilaaliya oo ammaankiisa suga ciidamo ka tirsan Nabad-Sugida Soomaaliya mana heli karo fursad uu farriin kusoo diro, haddii aysan dowladdu gacan ka siin.” ayaa lagu yiri qoraalka Wadajir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this