Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka amniga oo howlgallo ka sameeyey Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku soo qabteen darawal kaxeynayey gaari laba caruur ah ku jiiray deegaano hoos yimaada degmadaasi.

Caruurta oo walaalo ahaa ayaa ku dhintay shilkaasi, iyadoona saraakiisha ammaanku ay sheegeen in baaritaano dheeraad ah ay ku sameyn doonaan dhacdadaasi.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in howlgallada lagu xaqiijinayey amniga Cadaado, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada ee mararka qaar ka dhaca magaaladaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ayaa xoojiyey howlgallada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this